Thread
Bahda Dalsan, waad ku mahadsantihiin wareysigan taariikhiga ah.

Daawasho kadib waxaan go'aansaday in aan runta ka sheego been badan uu R/W-hii hore Cali Geedi @AliMGedi ku hadlay. Fadlan wada aqri jawaabtan tixan. https://twitter.com/DalsanTv/status/1263833596705398784
“National Stabilization Plan ama Qorsha Xasilinta Qaranka” ma aheyn wax ay Soomaali sameysatay ee wuxuu ahaa qorshihii Meles Zenawi uu ku doonayay in uu ku soo gashto 80,000 ciidamadiisa ah si uu ku milkiyo Somalia.
Waa beentiis marka uu leeyahay “Cali Maxamed Geedina ma keenin, Cabdullaahi Yusufna ma keenin Itoobiya. Ee Itoobiya sharci ayey ku timid."
Markii mooshinka ku saabsanaa soo gelitaanka Itoobiya la hor keenay Barlamaanki Ku Meel Gaarka oo markaasi fadhigiisu ahaa Nairobi....
kuraasti hoteelka uu shirka ka socday ayaa madaxa la isaga tumay.


Kuwii diidanaa oo naftooda Xamar uula soo cararay (KUWAAS OO MATALAY DAREENKA SOOMAALIYEED GUDO & DIBAD ) waaye kuwa uu Geedi ku tilmaamay kuwa doonayay in ay xukuumadda ridaan.
Cali wuxuu inkiray in uu xasuuq xun ka dhacay Xamar oo UN-ta & hay’adaha caalamiga ee xuquul insaanka ku tilmaameen Danbiyo Laga Galay Aadanaha (Crimes against humanity) & danbiyo dagaal.

Tusaalooyin seddex ah:
Cali wuxuu yiri: “Maxaakiimta wexey soo aruuriyeen canaasiir argagexiso oo caalami ah oo aan Soomaali aheyn…wexey ka yimaadeen Afqaanistaan wexey ka yimaadeen dalal kale” [sii aqri]
Waa beentiis. Been-abuurka uu gurbaanka u tumayo wuxuu ahaa mid loogu tala-galay in lagu xalaaleysto soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ama sidi aan hore u qoray lagu Iraq-eeyo Somalia. Waana tan weli socoto. https://fpif.org/the_making_of_another_iraq/
Cali waa beentiis markuu leeyahay: “Muqaawamada argagixiso ayey ahaayeen”.

Muqaawamada wexey aheyd iskaashi ama dhaqdhaqaaq GUMEYSI DIID ah oo gudo iyo dibadba leh.
Shirkii uugu horeeyay oo gumeysi diidka waxa lagu qabtay Columbus, Ohio.
Waxa ka soo qeybgashay 148 rag & dumar Soomaaliyeed sida Prof Ali Khalif Galydh, Faarax Sindiko (AUN), Prof Abdi Kusow, Dr Khadija Osoble, Amb Abdirahman Sh Issa & qaar bartan nagula jiro @MohamoudGaildon Amb @AbukarOsman1 @AliOmarMP Dr @AbdulnuurSheikh, @AnalystSomalia
Shirkii Columbus waxa ku soo xigay shirkii lagu qabtay dalka Ingariiska. Sidaad aya waxa ku bilaamay halgan maskaxeed oo ay hogaaminayeen Soomaali qubra-joogto ah oo gumeysi diid ah. Soomaali kale oo ay bulshada si fiican u taqaan ayaa gadaal ka soo galay.
You can follow @Abukar_Arman.
Tip: mention @twtextapp on a Twitter thread with the keyword “unroll” to get a link to it.

Latest Threads Unrolled: